MUNAASABAD MASHAQO: Weerar dhiigle ah oo lagu qaaday ciidamada Iiraan oo gaardinaya, qolo sheegatay & Iiraan oo Maraykanka ku eedaysay! + Muuqaal & Sawirro

0

(Tehraan) 22 Sebt 2018 – Kaddib weerar dhiigle ah oo lagu qaaday bandhig gaadda ka cayaar ah oo ay Koonfurta Iiraan ku dhigayeen ciidamada Iiraan, waxay wasaaradda arrimaha dibeddu arrintaa dusha ka saartay wax ay ku sheegtay argagixisada gobolka iyo “Milkiilohooda Maraykanka”.

Diblomaasiga sare ee Iiraan, Mohammad Javad Zarif ayaa wacad ku maray inay falkan uga jawaabi doonaan si “ deg deg ah oo wax ku ool ah” kaddib markii uu nin hubaysani rasaas oodda uga qaaday ciidamadii oo gaardinaya, iyadoo ay warar is dhaafsani kasoo baxayaan tirada dhimashada oo 10-12 lagu kala sheegay, halka 20 kale ay ku dhaawacantay.

Wasaaradda arrimaha dibedda Iiraan ayaa ku doodday in argagixisada falkaa fulisey ay ka dambeeyaan “talisyo shisheeye.”


Sida ay faafisay wakaaladda wararka Irna, waxaa falkan weerarka ah sheegatay koox la yiraahdo “Patriotic Arab Democratic Movement oo saldhigata magaalada Ahwaz” oo ah Carab gooni u goosad ah, jeer ay Iiraan magaalooyin kala duwan ku xusaysay dhamaadka dagaalkii 8-da sano socdey ee Iiraan iyo Ciraaq.

Hadalsame Media