(Washington, DC) 21 Sebt 2018 – Camaaliqada tiknolojiyadda ee Google ayaa senetarrada Maraykanka u qiratay inay gacmo 3-aad u ogolaato inay galaangal u yeeshaan xogaha la iskugu diro boosto danabeedka ay iyadu leedahay ee Gmail, waloow la sheegay in ay Google arrintaa joojisey sanadkii tegey.
Warqad bishii Luulyo loo kala diray sharci dejiyayaasha Maraykanka oo shalay shacabka loo bandhigay, ayay ku caddahay inay Google dhinacyo 3-aad la wadaagto xogaha ay dadku iskugu diraan Gmail, wax marmarsiinyo looga dhigay bartilmaameedsi dhanka iidhehda ah.
Waxaa badiyaa la arkaa pop-up soo boodaya oo qofka waydiisanaya fasax ku aaddan in uu“akhrin karo, diri karo, tiri karo ama maarayn karo farriimahaaga.” Yeelkeede, waxaa la ogaadey in xogahaasi lala wadaago gacmo 3-aad oo ay adag tahay inuu qofka gaarka ihi ogaado.
Hadalsame Media