Faahfaahin ku saabsan duqeyn khasaare gaystay oo ka dhacday Saakow

0

(Muqdisho) 19 Sebt 2018 – Duqeyn culus ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe iyadoona ay soo baxaan faahfaahin ku saabsan duqeyntaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa xaqiijiyay weerarkan hase ahaatee waxaa ay sheegteen in lala eegtay goobo rayid sida Isbitaalka degmada Saakow iyo xarun wax lagu barro carruur yar yar siday sheegtay kooxdu.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dashay weerarkan oo la sheegay in dadka ku dhintay ay ka mid ahaayeen dad rayid ah.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in duqeynta lala eegtay xarumo lagu tuhmayay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab waxaana jira khasaare soo gaaray goobahaasi.

Diyaaradaha Maraykanka iyo kuwa Kenya ayaa alaaba gaystay duqeymaha diyaaradeed ee ka dhaca koofurta Soomaaliya waxaana inta badan bartilmaameed u ah ururka Al-Shabaab inkastoo marar badan dhibaato soo gaarto dadka shacabka ee aan waxba galabsan.

Si kastaba ha ahaatee ma jirto cid illaa hadda sheegtay weerarkaan ugu dambeeyay ee dhacay Saakow.

Hadalsame Media