DAAWO: Maamulka Hirshabeelle oo sheegay inuu soo celiyay ”wada shaqayntii” dowladda

0

(Jowhar) 19 Sebt 2018 – Kulan dhexmaray dowladda federaalka ah iyo madaxda maamulka Hirshabeelle sida madaxwaynaha iyo guddoonka baarlamanka ayaa la sheegay in sida la yiri lasoo celiyay wada shaqayntii labada dhinac kaddib markii laga wada hadlay tabashooyin ka yimi dhanka maamulka Hirshabeelle.

Bayaan kasoo baxay maamulkaasi, ayaa dowladda loogu jeediyay inay wada xaajood la gasho maamullada kale oo horraantii bishan sheegay inay hakiyeen xiriirkii wada shaqayneed ee ay la lahaayeen dowladda dhexe ee federaalka ah.

Hoos ka daawo madaxwaynaha Hirshabeelle Md Maxamed Cabdi Waare oo arrintaa ka hadlaya.

Hadalsame Media