(Muqdisho) 18 Sebt 2018 – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa sheegtay in dowladdu aysan aqbali doonin in diyaarad aan aysan fasax ay ku dagto Garoomadda diyaaradaha dalka guud ahaan.
Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in kaliya la ogolyahay diyaaradaha ogolaanshaha ka haysata dawlada faderaalka ah ee Soomaaliya.
“Diyaarad heysata fasax, fasaxaanna waxaa bixiya dowladda dhexe waxay ka dagi karta dhammaan garoomada diyaaradaha dalka.” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo isagoo Canada ku sugan la hadlay idaacadda VOA.
Wasiirka wuxuu sidoo kale ka hadlay shir uu magaalada Montreal ee dalka Canada kula yeeshay hay’adda ICAO, halkaasi uu uu sheegay in shirkaas uu daba-socday barnaamijka soo wareejinta hawada Soomaaliya.
Hadalsame Media