(Muqdisho) 18 Sebt 2018 – Kiisaska la xiriira Jinsiga ama Kufsiga dumarka ee ka dhaca deegaanada hoostaga maamulka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya ayaa laga dayriyay iyadoona xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Puntland uu soo bandhigay kiisaska kufsiga ee la diiwangaliyay Puntland siddeedii bilood ee u dambeysay ee sanadkan.
Axmed Xasan oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta Puntland ayaa shaaca ka qaaday in la diiwaangaliyay 48 kiis oo isugu jira kufsi iyo iskudey kufsi,
Waxaa uu sheegay in 17 ka mid ah kiisaskaasi ay heleen xukunno kala duwan.
Puntland ayaa sanadkii hore ee 2017 laga diiwaangeliyay 123 kiis oo kufsi ah.
“Kiisaska 8-dii bilood ee u dambeysay soo maray CID-da , kaddibna yimid xafiis xeer ilaalin, kaddibna u gudbiyay maxkamad waxay gaarayaan 48 kiis, xukun waxaana la xukumay 17 kiis oo ka mid ah kiisaskaas, iyadoona xukunkoodii noqday 15 sanno illaa iyo 3 sanno inta u dhaxeysa,” ayuu yiri Xasan .
Hadalsame Media