(Brasilia) 18 Sebt 2018 – Booliiska federaalka ah ee dalka Brazil ayaa gacanta ku dhigay xabsigana dhigay wefdi uu hor kacayay wiilka madaxwaynaha Equatorial Guinea ee Teodorin Obinag Mang oo dalkaasi lasoo galay $1.4 milyan oo doollar iyo saacado kaligood ku kacaya $15 milyan oo doollar.
Warsidaha Portuguese-ka ku hadla ee globo.com ayaa weriyay in xabsiga loo taxaabay ninkan oo hor kacayay wefdi ka kooban 11 nin oo Jimcihii yimi dalka Brazil iyagoo wata dayuurad ay dowladdu leedahay, balse uma imanin howl diblomaasiyadeed.
Teodorin, oo sidoo kale ah madaxwayne xigeenka dalkaasi saliidda qaniga ku ah ayaan su’aalo la waydiinin maadaama uu leeyahay xasaanad diblomaasiyadeed, balse waxaa xabsiga la dhigay intii la socotey.
Warka ayaa sheegaya in lacagta iyo saacaduhu ay ku kala jireen laba boorso, waxayna wefdigu guud ahaan siteen 19 boorso, kuwaasoo ay dheer tahay bagaash diblomaasiyadeed oo aan waxba la iska waydiinin.
Hadalsame Media