(Tel Aviv) 18 Sebt 2018 – Israel ayaa Suuriya dusha ka saartay eedda dayuuraddii Ruushku lahaa ee Il-20 oo ay ciidamada cirka ee Suuriya kusoo rideen hawada gobolka Latakia, kaddib markii ay gantaal uga gambatay dayuurad F-16 ah oo ay Yuhuuddu leedahay.
Israel expresses sorrow for the death of the aircrew members of the Russian plane that was downed tonight due to Syrian anti-aircraft fire.
Israel holds the Assad regime, whose military shot down the Russian plane, fully responsible for this incident.— Israel Defense Forces (@IDFSpokesperson) 18 september 2018
Israel ayaa tiri “waxaannu muujinaynaa murugada shaqaalihii ku dhintay dayuuraddaasi” Ruushanka, waxayna daba dhigtay inay eedda leedahay dowladda Bashar Assad “oo ay ciidamadeedu soo rideen dayuuraddan Ruushka,” kuwaasoo “si buuxda mas’uul uga ah” shilka dhacay, intaana kuma harine waxay sidoo kale Israel eed u tirisay Iiraan iyo kooxda Xisbullaah.
Israel oo oohin yaxaaskeeda sii wadata ayaa sheegtay inay “diyaar u yihiin inay xogta muhimka u ah shilkan ay la wadaagaan Ruushka,” oo ay sheegeen inay la leeyihiin “is afgarad akhyaareed” ku saabsan in aan la isku safaadin.
Israel will share all the relevant information with the Russian Government to review the incident and to confirm the facts in this inquiry.
— Israel Defense Forces (@IDFSpokesperson) 18 september 2018

Hadalsame Media