(Latakia) 18 Sebt 2018 – Dayuurad ay leeyihiin ciidamada millateriga Ruushka ayaa lasoo ridey, iyadoo ay Ruushku arrintaa u haystaan Yuhuudda, kaddib markii ay dayuuraddan oo ah dayuuradaha xamuulka ah ee Il-20 ay ku gambatay dayuurad kuwa guuxooda ka dheereeya ah oo ay Israel leedahay.
Sida ay sheekadu u dhacday waa mid la yaab leh hadii uu run yahay warka ciidamada Ruushka oo sheegay in ay ciidamada cirka ee Suuriya ay la tacaalayeen dayuurad F-16 ah oo ay Yuhuuddu leedahay, taasoo ay kusoo fasaxeen gantaal dhul ka cir ah oo S-200 ah, yeelkeedem waxay dayuuraddii Yuhuuddu gantaalkii kula saan tiratay dayuuraddan oo xilligaa hawada ku jirtey, oo sidaa uu iyada gantaalkii Suuriyaanku u haleelay.
Fiidkii xalay, ayaa la sheegay inay hawada Suuriya kusoo gar darroodeen 4 dayuuradood oo F-16 oo ay Yuhuuddu leedahay kuwaasoo bartilmaameedsaday Latakia iyagoo ka yimid dhanka Badda Dhexe, sida uu sheegayo war kasoo baxay dhanka ciidamada Ruushkana, maaddaama ay joog hoose ku duulayeen waxay “xaalad halis ah u abuureen dayuuradihii aagga ka dhowaa.”
Waxaa xilligaa aagga ka dhowaa markab dagaal oo uu Faransiisku leeyahay oo la yiraahdo ‘Auvergne,’ iyo dayuuraddan Ruushku leeyahay ee Il-20.
Hadalsame Media