DAAWO: ”Dad baa maalgeliya inaan dalka dowladi ka dhalan!” – Prof Dalxa

0

(Muqdisho) 18 Sebt 2018 – Xildhibaanka Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamanka dhexe ee Soomaaliya ayaa ka hadlay amaan xumida ka taagan dalka oo uu sheegay inay dhinacyo badani ka shaqaynayaan.

Wuxuu si gaar ah u xusay amaan darrida ka taagan jidadka kala aada dhanka Baydhaba, Baraawe iyo Beledwayne oo ay dadka Soomaaliyeed iyo dowladduba ku fashilmeen inay wax ka qabtaan.

Wuxuu kaloo ka hadlay quwado daaha gadaashiis wax ka fuliya isagoo tusaale usoo qaatay xeebaha Soomaaliya oo ay dhooban yihiin maraakiib dagaal oo caalamka ka socda misna wax kasta oo dalka dhibaataynaya ay si fudud kusoo galaan, iyadoo aysan jirin markab sun daadinaya ama si sharci darro ah u kalluumaysanaya oo ay weli qabteen.

”Waxaa loo baahan yahay inaan mas’uuliyad wadareed qaadanno, dad baa ku howllan inaysan dowladi dalka ka dhalanin, dad baa ku howllan inaan cadaalad la helin, dad baa maalgeliya inaan dowladi dalka ka dhalanin” ayuu yiri Prof Dalxa oo soo jeediyay in ay Soomaalidu dhibka haysta usoo jeesato.

Hadalsame Media