Burcad South African ah ayaa Cawa deegaan hoostaga Magaalada Cape Town waxa ay ku dileen Saxafi Yuusuf Xuseen Xasan (Yusri Fuuda) kaddib markii ay ku weerareen Goobtiisa ganacsi.
Cabdi Calas Guure oo kamid ah Hogaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Save Somali ee magaalada Cape Town ayaa xaqiijiyay dilka xalay loo geystay Muwaaddinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Xasan (Yusri Fuuda) .
Kooxihii hubeysnaa ee dilka u geystay muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa baxsaday, waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan booliiska Koonfur Afrika oo baaritaanno wada.
Muwaadinkan Soomaaliyeed ee caawa lagu dilay Deegaanka Philip ee magaalada Cape Town ayaa sanadkii hore isla deegaankaan waxaa lagu dilay Walaalkiis oo isna lagu magacaabi jiray Ibraahim Xuseen Xasan (Koonfurow).
Marxuunka caawa la dilay oo qoys ku lahaa magaalada Cape Town ayaa ahaa Wariye dhinaca Ciyaaradaha oo lasoo shaqeeyay Idaacadii Soomaaliweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana sanadihii dambe u weecday dhinaca ganacsiga isagoo ku noolaa K/Afrika.
Ururka Saxafiyeenta Somaliyeed K/Africa (Sojasa)ayaa Uga Tacsiyadeeda Umada somaliyeed gaar ahaan Eheka iyo asxaabta uu Kabaxay wariye Yusri Fuuda.
Hadalsame Media