Shirkii Amniga Qaranka oo dib u dhacay (Sabab)

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2018 Waxaa dib u dhacay shirkii wadatashiga ahaa ee uu madaxweyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada kaa oo uu qorshuhu ahaa in 17ka bishan oo ku beegan maanta ka furmo Muqdisho.

Dib u dhaca ayaa yimid kaddib markii madaxda maamul goboleedyadu ay dalbadeen in kahor shirka la siiyo sida ay hadalka u dhigeen dammaanad qaad buuxa oo siyaasadeed iyo mid amni, islamarkaana la helo gacan saddexaad oo arrimaha leysku hayo dhax-dhaxaadisa.

Madaxwayne Farmaajo oo markii uu shirkaasi  iclaamiyay hadlayay ayaa sheegay in looga hadli lahaa arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhan yahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Aqal sare ee Soomaaliya ayaa wufuud u kala diray dhamaan Maamul goboleedyada si ay u eegaan tabashadooda. Maamul goboleedyada ayaa lagu eedeeyay inay doonayaan inay cuuryaamiyaan geedi socodka dib u dhiska Soomaaliya sabab la xariira inay iyaga ku soo wajahan yihiin doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Hadalsame Media