RW Khayre oo si dadban uga jawaabay hadalo ka soo yeeray madaxda Maamul goboleedyadda

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2018 Ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay khubad ka jeediyay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa si kulul kaga hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan waxa uu si aan toos ahayn u duray go’aano ka soo baxay dhawaan maxaxda maamul goboleedyada .

wuxuu markii ugu horreysay ka hadlay diidmada hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ee ah in lugu shiro caasimadda Muqdisho iyo dalabkooda ku aadan in la helo daraf saddexaad oo dhex dhexaadiya dowladda dhexe iyo dowlad-gobolleedyada.

“Waxaanan soo dhaweynayn in la yiraahdo magaalo madaxda dalka luguma shiri karo oo amni ma aha… ma garan karno cidda loogu daneynayo, laakin waxaan rabaa inan xasuusiyo cid walba oo ay ka suurtowdo inay sida tiraahdo inay tahay astaantii qaranka.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

” Sidoo kale waxaanan soo dhaweynayn in la yiraahdo daraf saddexaad ha nasoo dhexgalo… daraf saddexaad waa dhaqankii aan soo baranay oo la dhihi jirey ajaanibtu ha u ku kala gar-qaado madaxda Soomaaliyeed – taasi waa la soo dhaafey.” ayuu ku sii darey hadalkiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Toddobaadkii hore warmurtiyeed ka soo baxey hoggaamiyayaasha madasha dowlad-gobolleedyad  waxaa ay ku sheegeen inan lugu shiri karin caasimadda Muqdisho,iyagoo u sababeynaya amniga, waxaa kale oo dalbadeen daraf saddexaad oo damaanad  iyo dhexdhexaadisa iyaga iyo dowladda dhexe ee federaalka ah.

Hadalsame Media