(Muqdisho) 17 Sebt 2018 – Dowladda Iraan ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo lagu siideynayo muwaadiniin u dhashay dalkeeda oo afduub loogu haysto gudaha Soomaaliya.
Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Iiraan ayaa sheegay in ugu yaraan 18 ruux oo Iiraaniyiin ah ku jiraan gacmaha koox burcad badeed ah iyo sidoo kale Al-Shabaab.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Abdolqafur Iranejad ayaa u sheegay war baahiyaha ICANA in dowladdiisa ay ka go’an tahay siideynta muwaadiiniinta u dhalatay Iiraan ee ay afduubka u haystaan sida uu yiri burcad badeed iyo kooxda Al-Shabaab.
Hadalsame Media