DHEGEYSO: Garabkii soo dhisi lahaa dowladda Sweden oo la isku mari la’yahay

0

(Stockholm) 17 Sebt 2018 – Waxaa saaka barnaamijka P1-morgon u warramay xoghayaha xisbiga Moderat-ka ee Gunnar Strömmer iyo iyo Anders Ygeman oo ah hoggaamiyaha xildhibaannada baarlamanka dhexe ee Sweden ee Riksdag ku metela xisbiga Socialdemokraterna, kuwaasoo diidey inay mar qura kasoo wada qayb galaan barnaamijka P1-morgon.

Xilli la wada tiriyay codadkii doorashada ayaysan weli caddayn sida ay u ekaan doonto dowladda ka talin doonta dalka Sweden, balse Anders Ygeman ayaa carrabka ku adkeeyay in uusan caad ka saarrayn in Stefan Löfven oo ka tirsan xisbiga Social-ku uu dowladda xigta soo dhisayo.

– Natiijada doorashadu asaas ahaan waa caddahay. Social-ku waa xisbiga ugu wayn, baloogga casaan cagaarkuna waa midka ugu wayn. Waxaan se doorashada ka hor sii sheegnay in xitaa haddii aan noqonno baloogga ugu sarreeya aannu ka tillaabsan doonno xadka baloogyada oo aannu dhanka kale dowlad la dhisi doonno.

Waloow uu xisbiga Social-ka oo horseed u ah isbahaysiga rödgröna uu sidaa ku doodayo misna dhanka kale isbahaysiga uu Moderat-ku hoggaamiyo ee Alliansen ayay uga dheggan tahay inay meesha ka baxaan Raysal Wasaare Steven Löfven iyo xukuumaddiisu, sida uu isla P1-morgon u sheegay Gunnar Strömmer.

– Waxaan horayba u sheegnay, in waxa haatan ugu muhiimsani ay yihiin inay xukuumaddani iska tagto, ayuu yiri Gunnar Strömmer.

Yeelkeede, Xisbiga Social-ka ayaa sheegay inaysan si fudud xilka uga degi doonin, wuxuuna Ygeman ku qiil samaystay in had iyo gooraale uu xukuumadda soo dhiso xisbiga ama isbahaysiga markaa ugu ballaaran, haba yaraato aqlabiyaddiisu e, sida haatan haysata isbahaysiga Rödgröna.

– Waxay ila tahay inay dabiici tahay in dowlad kasta oo lasoo dhisayo uu xisbiga ugu wayni isu sharroxo Raysal Wasaaraha, si la mid sidii ay ahayd markii ay xilka hayeen isbahaysiga casaan cagaarka iyo markii ay xilka hayeen Alliansen, ayuu ku dooday.

Waloow uu Ygeman sidaa qabo, misna xoghayaha xisbiga moderat-ka ee Strömmer ayaa farta ku fiiqay xaqiiqada ah inay aad caato u tahay aqlabiyadda uu sheegan karo isbahaysiga rödgröna oo 0.3% uun ka sarreeya dhankooda, wuxuuna sheegay in marka la eego natiijada doorashada ay iyagu yihiin dookha soo baxaya.

– Marka aad eegtid natiijada doorashada waxaa la sheegi karaa inuu jiro biddaal dhamaystiran oo dowladda dhisi kara waana alliansen. Waxayna heleen codad ka badan 40%, ayuu yiri Strömmer.

Waxaa jawaabtaasi weji kale u yeelaysa aragtida Ygeman oo turub kale ciyaaraya, waayo wuxuu laftiisu tirsanayaa dhibcaha isla xisbiyada ku ologga ah Moderat-ka, isagoo aan caqabad u arkin ka tallaabidda xuduudda kala dhex taalla labada baloog, maaddaama 4-tii sano ee tagtayba uu la shaqaynayay xisbiga Centerpartiet oo ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ee Alliansen, laakiin markan hanka Social-ku intaa waa ka ballaaran yahay sida uu yiri Ygeman.

– Maadaama uu isbahaysiga casaan cagaarku haatan yahay midka ugu wayn, Jan Björklund (L) iyo Annie Lööf (C) si cad waxay u sheegeen inaysan la shaqayn doonin dowlad uu dhiso isbahaysiga alliansen haddii ay noqdaan baloogga yar, ayuu ku dooday.

Baarlamanka cusub ee Sweden ee Riksdag ayaa kalfadhigoodii ugu horreeyay yeelanaya 24-ka bishan Septembar, markaasoo ay dooran doonaan afhayeenka baaralamanka oo isna isbahaysiga kala xaajoon doona koodii ku habboon inuu soo dhiso dowladda cusub ee Sweden.

 

Hadalsame Media