(Vienna) 17 Sebt 2018 – Wasiirro ka kala socda Talyaaniga iyo Luxembourg ayaa hadallo qaraar is waydaarsadey jeer uu Midowga Yurub ka wada hadlayay siyaasadda socdaalka ee ururkaasi, iyadoo uu Matteo Salvini oo ah RW xigeenka iyo wasiirka arrimaha gudaha Talyaanigu uu soo galootiga ku tilmaamay ”addoon” taasoo keentay in la is af dhaafo.
Arrintan oo Jimcihii ka dhacday Vienna ayuu Salvini, oo sidoo kale xisbiga soo galooti nacaybka ku dhisan ee Lega Nord, wuxuu sharraxayay sida ay soo galootiga ka imanaya Afrika uga duwan yihiin kuwa Luxembourg.
Luxembourg’s Jean Asselborn has a hissy fit while Salvini drops truth bombs about mass migration. pic.twitter.com/y8SYDtlnSQ
— Paul Joseph Watson (@PrisonPlanet) September 17, 2018
“Dabcan Luxembourg waxaa jira baahiyo [ku aaddan taageerada shaqaalaha sii gaboobaya oo lagu bedelo dad soo galooti ah],” ayuu yiri. “Balse Talyaaniga waxaa jirta baahi ku aaddan in ay carruurtu dhalaan carruur kale, ee ma aha inaan addoon soo xaabsanno si ay beddel ugu noqdaan carruurta aan dhali waynay.” ayuu raaciyay Salvini.
Doodda Salvini ayaa ka caraysiisay wasiirka arrimaha dibedda Luxembourg ee Jean Asselborn, oo fadhiyay meel aan sidaa uga fogayn Salvini wuxuuna isagoo khudbadda ka jiiraya yiri.
“Allez, Allez, Allez,” oo luuqadda French-ga ku noqonaysa “Blah, blah, blah,” ama mataatac.

“Luxembourg, mudane, waxaa haynaa daraasiin Talyaani ah! Waxay noogu yimaadaan soo galooti ah, waxay ka shaqeeyaan Luxembourg, si aad carruurtaada Talyaaniga lacag ugu hesho,” ayuu yiri Asselborn, oo daba dhigay “Belo ku martay!”
Ma dico io, che problemi hanno in #Lussemburgo?!?
Nessun fascismo, soltanto rispetto delle regole.
Se gli piacciono tanto gli immigrati che li accolga tutti in Lussemburgo, in Italia ne abbiamo già accolti anche troppi.
Buona domenica a tutti, cin cin? pic.twitter.com/psx29NTPpa— Matteo Salvini (@matteosalvinimi) September 16, 2018
“Wasiirka Shuuciga ah ee dalka Luxembourg ayaa ‘fajiiste’ igu tilmaamay maanta kaddib markii uu Talyaaniga soo galootiga ah awoowayaal ku tilmaamau isagoo khudbaddii iga dhex galay,” ayuu Salvini Twitter kusoo qoray. “Haddii uu qaxootiga doonayo ha wada qaato, annagu in badan baan horay u haynaaye.”
Hadalsame Media