DAAWO: Amiirka Qadar oo dayuurad qaali ah u haddiyeeyay Madaxwayne Erdogan + Sawirro

0

(Istanbul) 16 Sebt 2018 – Amiirka Qadari ayaa madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan u hibeeyay dayuurad Boeing 747-8 ah, taasoo lagu sheego midda ugu ballaaran uguna qaalisan caalamka.

Dayuuraddan oo loogu tala galay in lagu raaxaysto, ayaa ku kacaysa adduun dhan 367 milyan oo doollar, waxayna kasoo degtey garoonka Istanbul ee Sahiba Gokcen International Airport iyadoo kasoo duushay France, sida ku qoran Daily Yeni Safak.

Dayuuraddan oo leh qolal fara badan oo kala xiran waxay ka kooban tahay qolal jiif ah, fadhiyo dabaqadda 1-aad ah iyo xitaa isbitaal, waxayna qaadi kartaa 94 rakaab ah oo ay ku jiraan 18 shaqaale ah.

Dayuuraddan qaaliga ah, ayaa waxaa haddiyad ahaan u bixiyay amiirka Qadariga ah ee Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, waxayna sidoo kale leedahay Panasonic heer sare ah iyo kaamirooyinka amaanka.

Dayuuraddan Boeing 747-8 ayaa waxaa muddo yar horay u isticmaalay isla amiirka Qadar iyo qoyska reer boqor oo qura.

Hadalsame Media