(Phoenix) 14 Sebt 2018 – Muxamad Cali Kalaay (AUN) ayaa 3-dii Juun 2016-kii ku geeriyoodey degmada Scotsdale, magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee koonfurta Maraykanka isagoo uu kusoo boodey caabuq dhinaca habdhiska neef-mareenka ah oo ay sababtiisu saarnayd, waxaana lagu wadaa in haddii ALLE idmo Arbacada inasoo haysa lagu aaso magaaladii uu ku dhashay ee Louisville, Kentucky.
Haddaba, Maxamed Xaaji ayaa idiin qaadaa dhigi doona barnaamij dhowr qaybood ah oo aynu ku jeex jeexi doonno sooyaalka halyeeygaa Muslimka ahaa oo aad kala socon doontaan hilin wareedka Hadalsame.com ee hoos ka dhegeyso.
Hadalsame Media