Mine Action: Kahor tagga qatarta Miinooyinka gudaha Soomaaliya waa mid muhiim ah

0
ASG Titov and delegation visits UNMAS integrated mine clearance team in Torit, they carried out mechanical and manual demining and also used mine detection dogs also used a large loop detector searching for submunitions and ERW. Photo UNMISS Martine Perret 19 April 2013

(Muqdisho) 12 Sebt 2018 – Hay’adda miino baarista Qaramada Midoobay ee Mine Action ayaa sheegtay inay ka shaqeynayso sidii  howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ugu guulaysan lahaayeen ka hor taga qataraha la xariira miinooyinka.

Taasi waxaa la filayaa inay qeyb ka qaadato amaanka gobolka iyo sidii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ula tacaali lahaayeen qaraxyada ka dhasha miinooyinka.

“Waxaan rijeeynayaa in aan wada jir uga shaqayno ka hortaga iyo cirib tirka khatarta qalabka qarxa, waan ku faraxsanahay aan awood ku biirino UNMAS” ayuu yiri Francisco Madira oo ah wakiilka gaar ka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya,

Mine Action waxay balan qaaday inay si dhow ula shaqaynayso dowladda Soomaaliya si looga baaqsado isticmaalka gawaaridaa qaraxyadda sida oo ay adeegsadaan kooxda Al-shabaab.

Hadalsame Media