Madaxwayne u ciyaaray xulka dalkiisa

0

(Monorovia) 12 Sebt 2018 – Halyeeygii AC Milan oo hadda ah madaxwaynaha Liberia ee George Weah ayaa dalkiisa ku ciyaar rasmi ah ku meteley – jeer uu 51 jir yahay.

Weah ayaa kabahiisa waray sanaddii 2003-dii, isagoo deeto diiradda saaray siyaasadda, ilaa uu madaxwayne noqday bishii Jannaayo.

Yeelkeede, taasi kama celin inuu daqiiqaddii 79-aad kasoo muuqdo ciyaar rasmi ah oo ay xulkiisa Liberia 2-1 uga adkaatay Nigeria shalaytoole, isagoo u babac dhigay xiddigo ay ku jiraan; Kelechi Iheanacho and Henry Onyekuru, iyadoo ciyaarta lagu maamuusay lambarka 14-aad ee uu xulkaa u qaadan jirey oo howlgab laga dhigay.

Weah waa xidigga qura ee African ah isku qaatay xiddigga Yurub, kan Afrika iyo midka adduunka, isagoo 58 gool u dhaliyay kooxda AC Milan oo uu 5 xilli-ciyaareed la joogey.

Hadalsame Media