IS MIIDAAMIN: ”Haddaad doontaan kacdoon & amar diiddo igu sameeya!” – Madaxwayne ciidamadiisa ku dhiiriyay inay isaga afgembiyaan!

0

(Manila) 12 Sebt 2018 – Madaxwaynaha dalka Philippines Md Rodrigo Duterte ayaa ku dhiirradey inuu ciidamada dalkiisa ku yiraahdo “amar diiddo igu sameeya” haddii aydnaan ku faraxsanayn hoggaankayga, isagoo sheegay inay xor u yihiin inay la saftaan ninka aadka u dhaliila ee  Senatar Antonio Trillanes.

“Amar diiddo sameeya ama kacdoon ama wax kasta,” ayuu yiri Duterte oo la fadhiyay La Taliyaha dhanka Sharciga ee Salvador Panelo, iyadoo ay soo xiganayso ABS-CBN TV. Isagoo sheegay in haddii ay jirto cid ku faraxsan inay hiillo u muujiso Trillanes, inay sidaa yeeli karaan.

“Xor baad u tihiin inay taa samaysaan. Runtii waaban idinku dhiirri gelinayaa,” ayuu yiri Duterte.

Philippine President Rodrigo Duterte  © Ted Aljibe
Madaxwayne Rodrigo Duterte ayaa ah nin saraaxi ah oo halkiisa la gamban sax iyo khalad.

Warka madaxwaynaha ayaa imanaya jeer uu baabi’iyay cafis loo fidiyay Trillanes, oo ah sarkaal horay uga tirsanaa Ciidamada Badda Filibiin, oo horay amar diiddo u sameeyay, wuxuuna Duterte Waaxda Cadaaladda ku amray in ay dib u furaan dacwaddiisa maaddaama aanu cafiskiisu taageero ka helin Aqalka Senet-ka

Hadalsame Media