(Muqdisho) 12 Sebt 2018 – Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ambabaxay Magaaladda Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika halkaas oo uu kaga qeybgalo shirka hoggaamiyaasha dalalka IGAD.
Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay ka dhoofay magaaladda Muqdisho.
Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa, kaasi oo looga hadli doono xaalada dalka Eriteria iyo sidii uu mar kale xubin uga noqon lahaa Urur gobaleedka IGAD.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxda wadamada Somaliya, Itoobiya iyo Eriteria heshiis iskaashi ay ku kala saxiixdeen magaalada Asmara.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo dhamayn lahaa colaada mudada dheer u dhaxaysay wadamada dariska ah ee Jabuuti iyo Eriteria, iyadoo shalay lagu guulaystay in dib loo furo xadka labada dal oo xirnaa muddo ka badan 20 sanno ah.
Hadalsame Media