(Vladivostok) 12 Sebt 2018 – Maraykanku waa dayn qaataha ugu wayn adduunka welina wuu “kasii darayaa maalin kasta,” sida uu qabo ninka maalgelinta ku xeelka dheer ee Jim Rogers, oo saxaafadda la hadlay isagoo ka qayb gelayay shirkii Eastern Economic Forum (EEF) ee magaalada Vladivostok.
“Marka ay xasarad dhaqaale soo muuqato, dadku waxay u ordaan doollarka waayo waxay aaminsan yihiin inay ku badbaadayaan, balse sidaa maaha.” ayuu yiri Rogers.
Wuxuu sheegay inay saamaynta doollarku daciifi doonto, marka ay ag maraan dalal ay ka mid yihiin China, Iran, Russia, Turkey iwm, kuwaasoo doonaya inay meel iska dhigaan adeegsiga doollarka Maraykanka.
“Sanadaha yar ee soo aaddan wuxuu Doollarka Maraykanku lumin doonaa booskiisa ah inuu yahay lacagta adag ee kaydka u ah adduunka, sidoo kalena wax lagu kala beddesho,” ayuu yiri Rogers, isagoo farta ku godey siyaasadda xasilka daran ee Maraykanka oo aragti imbiraaliyadeed oo bilaa ixtiraam ah adduunka kula macaamila.
Hadalsame Media