DAAWO: Lama canaante canaan yeeli maayo – John Bolton oo jeediyay khudbaddii ka dhanka ahayd ICC

0

(Washington, DC) 12 Sebt 2018 – John Bolton oo ah La Taliyaha Amaanka Qaranka Maraykanka ayaa jeediyay khudbaddii la sugayay oo uu ku sheegay inuu Maraykanku ka dagaallami doono isagoo qaadaya tillaabo kasta oo daruuri ah, haddii ay Maxkamadda Dembiyada Dagaalka ee International Criminal Court ay marna ku dhiirrato baaritaanka iyo soo gole joojinta siyaasiyiinta u dhashay Maraykanka iyo Yuhuudda ee ku eedaysan dembiyada dagaal.

Bolton ayaa sheegay in gole joojinta ciidamada iyo saraakiisha Maraykanka ee duullaanka ku jooga Afghanstan ay tahay ”mid ku xadgudbaysa” madax bannaanida Maraykanka, balse kama hadlin madax banaanida dalalka kale ee uu dalkiisu ku tumanayo, taasoo la micne ah ”Waa dembi in la ii qabsado dembiyada aan galo.”

“Maraykanku wuxuu adeegsan doonaa wax kasta oo daruuri ah si aannu u dhowrno muwaadiniinteenna iyo kuwa ologga nala ah haddii ay dacwad kusoo oogto Maxkamadda aan cadaaliga ahayn ee ICC,” ayuu yiri John Boltn oo ah la Taliyaha Amaanka Qaranka ee Donald Trump oo warkan uu jeediyay ay horay nuqul ka mid ah u heshay Reuters.

“Lama shaqayn doonno ICC. Wax kaalme ahna ma siin doonno ICC. Waxaan ka shaqayn doonnaa inay iskeed iskaga dhimato. Si kastaba annaga mar hore ayayba naga dhimatay.” ayuu yiri Bolton oo ka mid ah dadka holciya siyaasadda wareersan ee arrimaha dibedda Maraykanka.

Khudbaddan, oo cinwaan looga dhigay ‘Ka ilaalinta halis caalami ah dastuuriyadda iyo madax bannaanida Maraykanka,’ ayuu ninkan oo ah xag-jir caabbis ah oo ka tirsan Muxaafidiinta Cusubi ka jeediyay Washington isagoo u khudbaynaya koox muxaafid ah oo aan la carrabaabin, waana arrin caksi ku ah qiyamka uu Maraykanku sheegto inuu caalamiyan iyo maxalliyanba u taagan yahay.

Hadalsame Media