Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Syria, gaar ahaan gobolka Idlib

0

(Muqdisho) 11 Sebt 2018 – Kumanaan qoys ayaa ka baxsaday dagaalada ka socda Magaalooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka Idlib ee waqooyi galbeed ee dalka Syria.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in dad ka badan sodon kun (30,000) ka carareen deegaanada gobolka Idlib oo ay ku xoogan yihiin qolooyinka mucaaradka ah.

Ciidamada Syria oo ay taageerayaan kuwa Ruushka ayaa la billaabay dulaan cusub oo ay cagta ku marinayaan guud ahaan mucaaradka ku sugan gobolka Idlib waana midaas sababta keentay barakaca xooga leh.

Waxaa jirta cabsi ay qabaan Hay’addaha gargaarka taasoo ku aadan haddii ciidanka huwanta ah ee ka socda dowladda Syria isticmaalaan hubka darran ee Kiimikada ah.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa walaac ka muujiyey dulaanka ciidamada Syria ee gobolka Idlib waxaana labadaasi dowladood sheegeen inay heegan galiyeen ciidamadooda ku sugan gobolka.

Hadalsame Media