Madaxwaynaha Tanzania oo arrin la yaab leh ka dalbaday haweenka dalkaasi

0

(Dar Esalaam) 11 Sebt 2018 – Madaxwaynaha Tanzania jaalle John Magufuli ayaa ku boorriyay haweenka dalkaasi inay joojiyaan qaadashada dawooyinka iyo dhalmada looga hortago ee ay qaadanayaan, isagoo sheegay inuu dalku u baahan yahay dad fara badan.

“Haweenku waa inay iska daayaan dawooyinka ay qaadanayaan. Waxaan ku safray Yurub iyo meelo kale, waxaana soo arkay haween badan oo arrintan dhibaato caafimaad darro kala kulmay iyo dalal ay hoos u dhacday tirada dadkoodu.” ayuu yiri Magufuli.

DHALIIL LOO JEEDIYAY

Xildhdibaanka mucaaradka ah ee MP Cecil Mwambe ayaa dhaliilay hadalka madaxwaynaha oo uu sheegay inuu ka hor imanayo siyaasadda caafimaad ee u degsan dalka Tanzania.

Mr Mwambe ayaa sheegay in haddii uu Magufuli doonayo in warkiisa dhab loo qaato uu bedelo siyaasadda caymiska carruurta oo haatan daboolaysa kaliya 4 carruur ah oo uu ka dhigo 10 carruur ah, sida uu faafiyay hilinka Citizen.

Tanzania ayay dadkeedu gaarayaan 53 milyan oo qof, kuwaaso 49% ka tirsani ay ku nool yihiin wax ka yar $2  doollar maalintii, iyadoo celcelis ahaan ay hooyada Tanzanian-ka ihi dhasho in ka badan 5 carruur ah, taasoo ka mid ah heerka ugu sarreeya caalamka.

Hadalsame Media