(Muqdisho) 11 Agoosto 2018 – Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab kaasoo muddo lagu raad joogay. Toogashadaan ayaa ka dhacday shalay galinkii dambe qeybo ka mid ah degmada Huriwaa ee Magaaladda Muqdisho sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Sarkaalka Al-Shabaab ee la dilay waxaa uu madax u ahaa kooxda amniyaadka Al-Shabaab ee ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, sida ay sheegeen laamaha amaanka Soomaaliya gaar ahaan Booliska. Intii lagu jiray hawlgalka ayaa waxaa dhintay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray.
‘’Ciidamadu waxey doonayeen markii hore in ay qabtaan oo si nabad ah loo qabto, laakiin wey suurtagali weyday weerar ayuu qaaday, ciidamadii howlgalka qabashadiisa fulinayay wuxuu ka dilay hal askari mid kalana wuxuu dhaawacay, kaddibna ciidamadu waa ay toogteen’’ ayuu yiri Qaasim Axmed Rooble oo u hadlay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.
Sarkaalka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Abuukar Xassan Cadde. Sadex ruux oo kale oo la sheegay inay illaalo u ahaayeen sarkaalka la dilay ayaa la qabtay iyagoo dhaawac ah sida uu sheegay afhayeenka Boolisku.
Hadalsame Media