Dowladda Itoobiya oo jawaab ka bixisay wararka sheegaya in la jir diley Cabdi Maxamed Cumar

0

(Adis Ababa) 11 Sebt 2018 – Maanta ayaa Xaaska, iyo hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar labaduba waxa ay sheegeen in xasbiga lagu jir dilay, isla markaana xaaladiisa ay tahay mid aan wanaagsaneyn balse waxaa hadalkaas ka jawaabtay dowladda Itoobiya.

Taliyaha Booliska federaalka ee Itoobiya, Jeneraal Zeyinu Jemal wuxuu BBC u sheegay “inay been tahay. Ma jirto cid garaacday. Inkastoo lagu eedeeyey dambiyo culus, si wanaagsan oo ah sidii madaxweyne hore ayey ula dhaqmayaan ayuu yiri”.Isagoo ka hadlayey in isbitaal loo ogolaaday iyo in kale ayuu yiri Jeneraal Zeyinu Jemal “Isbitaal marka la aadayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna isbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto” ayuu sii raaciyey.

Taliyaha Booliska itoobiya, Zeyinu Jemal, ayaa hore u sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo haysto rabshadihii magaaladda Jigjiga ka dhacay afartii bishii Agoosto, rabshadahaas oo dad badan ay ku dhinteen laguna gubay dhismaha kaniisad magaalada ku taalla iyo hanti kaleba.

Hadalsame Media