Amaanka xarumaha degmooyinka gobolka Banaadir oo la adkeeyay (Sababta)

0

(Muqdisho) 11 Sebt 2018 – Waxaa isbedel laga dareemayaa guud ahaan xarumaha degmooyinka gobolka banaadir ee Magaaladda Muqdisho xili ururka Al-Shabaab bilaabeen qorshe cusub oo ay ku burburinayaan kuna beegsanayaan xarumaha dowladda hoose ee Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa u muuqda inay hadda u weeciyeen weeraradooda isqarxinta xarumaha laga maamulo degmooyinka gobolka Banaadir waxaana taasi walaac ku abuurtay bulshada ku nool Magaaladda Muqdisho.

Xarumaha degmooyinka ayaa bixiya adeegyo yar yar oo ay u qabtaan bulshada hase ahaatee weeraradii ugu dambeeyey ee laga eegtay degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan ayaa keenay walaac cusub.

Burbur xoog leh oo ay adag tahay in si dhaqso ah looga soo kabsado ayaa gaaray xarumaha labadaasi degmo.

Saaka oo tallaada ah ayaa waxaa la arkayay boqolaal ciidamo ka tirsan gobolka Banaadir oo illaalo xoog leh ka haya xarumaha kale ee gobolka Banaadir waxaana jirta cabsi amni oo soo wajahday xarumaha dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyeha gobolka Banaadir Eng.Yariisow ayaa sheegay in sababta Al-Shabaab u beegsanayso xarumaha degmooyinka gobolka ay tahay niyad jab soo wajahay kooxdaan cadaadeystay daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Hadalsame Media