Xiisado colaadeed u dhaxeeya Shacabka iyo Al-Shabaab oo ka qarxay gobolka Shabeellada Dhexe

0

(Muqdisho) 10 Sebt 2018 – Qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada dhexe waxaa laga dareemayaa kacdoon shacab oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan tuulooyinka hoos yimaada degmada Aadan-Yabaal.

Al-Shabaab ayaa kordhiyey cadaadiska ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanada gobolka Shabeellada dhexe waxaana dadka laga qaadaa xoolo iyo lacag kala kuwan kuwaas oo Shabaabku ku sheegeen Sakawaat.

Odayaal ku nool gobolka iyo dhalinyaro iskood isku soo abaabulay ayaa ku dhawaaqay dagaalo cusub oo ay la galayaan Al-Shabaab-ka ku sugan tuulooyinka iyo magaalooyinka gobolka Shabeellada dhexe.

Al-Shabaab ayaa muddo ka badan 7 sanno maamulayey qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi waxaana hadda la sheegay inay wajahayaan naceyb kaga imaanaya bulshada gobolka.

Waxay ka dambeysay markii kooxdu ay amar culus dul dhigtay bulshada ku dhaqan gobolkaasi gaar ahaan tuulooyinka ku dhaw degmada Aadan-yabaal, iyadoona bulshada lagu qasbay inay keenaan carruurta yar yar gaar ahaan wiilasha da’adoodu tahay 8 sanno jirka.

Mid ka mid ah Odayaasha hubka u qaatay inay Al-Shabaab la dagaalamaan ayaa sheegay in  laba neef oo geel ah oo uu lahaa uu midkood iibiyey si uu qori ugu iibsado, taasina waxay muujinaysaa heerka uu dhan yahay cadaadiska Al-Shabaab ku hayso bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka maamulaan gobolka Shabeellada Dhexe.

Hadalsame Media