(Stockholm) 10 Sebt 2018 – Raysal Wasaaraha Sweden ee Stefan Lföven ayaa wacad ku maray inuusan is casilaynin, kaddib markii ay isbahaysiga midig dhexe ee Alliansen sidaa ku baaqeen, jeer uu xisbiga SD helay codadkii ugu badnaa taariikhdiisa, waloow aysan ku fillayn welina uu go’doonsan yahay.
“Waxba lama go’aaminayo caawa,” ayuu yiri Lofven, oo sidoo kale ah hoggaanka xisbiga Social Demokraterna, isagoo muujiyay inuu diyaar u yahay suurtagalnimo lagu dhisi karo dowlad ka kooban labada isbahaysi ee midig iyo bidix dhexe, maadaama aanu midkoodna haynin aqlabiyad uu kaligii ku shaqeeyo, iyagoo kala haysta 40.6 boqolkiiba, halka xisbiyada Allianspartierna ay heleen 40.3 boqolkiiba..
Isagoo ballan qaaday in ay “si deggan ku shaqayn doonaan” ilaa dowladda laga dhisayo, isagoo doorashadii Axadda ku tilmaamay “mid aastay siyaasaddii labada isbahaysi” iyadoo aysan marna horay u dhicin in la sameeyo dowlad ka dhisan labadan isbahaysi.

Ujeedka iyo “waajibka akhlaaqiga ah” ee arrintan laga leeyahay waa sidii bannaanka loo dhigi lahaa xisbiga SD si uusan ugu soo biirin dowlad laga dhiso Sweden.
“Xisbiga Sweden Democrats kuma yaboohin mana ku yabooni karaan wax bulshada wax tara. Kaliya waxay kordhin doonaan nacaybka iyo qaybsanaanta,” ayuu yiri Lofven, oo xisbigaasi ku tilmaamay “Nazi-yiin” iyo “cunsuriyiin” intii lagu jirey ololihii doorashada.
Todobaadyo ayay qaadan doontaa in la soo dhiso dowlad wadaag ah, waxaana ka horreeya gorgortan iyo wada xaajoodyo jilba murux ah, maadaama ay labada isbahaysi ku dhisan yihiin afkaaro siyaasadeed oo is diidaya una baahan xeer jajabyo badan.
Hadalsame Media