War Cusub: Qarax ka dhacay Muqdisho

0

(Muqdisho) 10 Sebt 2018 – Qarax culus ayaa goor dhaw ka dhacay Magaaladda Muqdisho waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya goobta lala eegtay qaraxaasi. Warar hor u dhac ah ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay degmada Hodan ee Magaaladda Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la beegsaday xarunta degmada Hodan, laakin ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya arrintaas. Jugta qaraxa ayaa laga wada maqlay inta badan Magaaladda Muqdisho.

La soco wixii soo kordha.

Hadalsame Media