Soomaaliya iyo Qadar oo ka wadahadlay horrumarinta ganacsiga iyo warshadaha

0
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-09-09 21:22:09Z | |

(Muqdisho) 10 Sebt 2018 – Wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta wadanka Qadar Jassim Seif Ahmed al-Sulaiti ayaa la kulmay Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Kulankan ayaa looga hadlay dhinacyadda horrumarka labada dal iyadoona la isla soo qaaday sida loo hagaajin karro geedi socodka nidaaminta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo Qadar.

Waxyaabaha aadka looga hadlay waxaa ka mid ahaa dhinaca gaadiidka iyadoona labada wasaaradood ku balameen inay yeeshaan kulamo kale.

Dowladda Qadar ayaa ka mid ah wadamada sida weyn u taageera Soomaaliya iyadoona dhawaan ugu deeqday Soomaalia lacag gaaraysa labo boqol oo milyan oo doolar.

Hadalsame Media