(Muqdisho) 10 Sebt 2018 – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta degmada Hodan ee Magaaladda Muqdisho.
Waxaa guud ahaan burburay dhismihii xarunta degmada Hodan, iyadoona ay jiraan khasaare nafeed oo soo gaaray dad shacab ah iyo askar ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Lama oga inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah laakin waxaa dad goojoogayaal ah u sheegeen Hadalsame Media inay arkeen meydadka 5 ruux iyo dhaawaca 10 kale.
Ciidamada ammaanka ayaa soo gaaray goobta qaraxu ka dhacay waxaana sidoo kale jira gurmad loo fidinayo dadka waxyeeladdu soo gaartay. Waxaa sidoo kale dumay Masjid u dhaw xarunta degmada Hodan
Weerarkaan ayaa u muuqda mid qorsheysan waxaana uu imaanayaa xili dhawaan sidaan oo kale loo weeraray xarunta degmada Hawlwadaag.
Al-Shabaab ayaa u muuqata inay hadda u soo jeesatay beegsiga xarumaha degmooyinka gobolka halkii markii hore ay weeraradeeda inta badan la eegan jirtay Hoteladda Caasimadda.
Hadalsame Media