(Washington, DC) 10 Sebt 2018 – Maraykanka ayaa ka dagaallami doona isagoo qaadaya tillaabo kasta oo daruuri ah, haddii ay Maxkamadda Dembiyada Dagaalka ee International Criminal Court ay marna ku dhiirrato baaritaanka iyo soo gole joojinta siyaasiyiinta u dhashay Maraykanka iyo Yuhuudda ee ku eedaysan dembiyada dagaal, sidaasoo uu maanta ku dhawaaqi doono John Bolton.
“Maraykanku wuxuu adeegsan doonaa wax kasta oo daruuri ah si aannu u dhowrno muwaadiniinteenna iyo kuwa ologga nala ah haddii ay dacwad kusoo oogto Maxkamadda aan cadaaliga ahayn ee ICC,” ayaa laga soo sheegay John Boltn oo ah la Taliyaha Amaanka Qaranka ee Donald Trump oo warkan maanta jeedin doona kaasoo ay nuqul ka mid ah heshay Reuters.
“Lama shaqayn doonni ICC. Wax kaalme ahna ma siin doonno ICC. Waxaan ka shaqayn doonnaa inay iskeed iskaga dhimato. Si kastaba annaga mar hore ayayba naga dhimatay.” ayaa ka mid ah waxa ku qoran.
Khudbaddan, oo cinwaan looga dhigay ‘Ka ilaalinta halis caalami ah dastuuriyadda iyo madax bannaanida Maraykanka,’ sida lagu qoray Washington Post, ayuu ninkan oo ah xag-jir ka tirsan Muxaafidiinta Cusubi ka jeedin doonaa kulan ay maanta Washington ku yeelan doonaa koox muxaafid ah oo aan la carrabaabin, waana arrin caksi ku ah qiyamka uu Maraykanku sheegto inuu caalamiyan iyo maxalliyanba u taagan yahay.
Hadalsame Media