(Naivasha) 10 Sebt 2018 – Laba dayuuradood oo rakaab ayaa sibiq ku kala badbaaday daqiiqad oo kale hawada Kenya wax noqon lahaa shil ka mid ah kuwii cireed ee ugu xumaa taariikhda.
Arrintan ayaa ka dhacday, Naivasha, oo 100 km galbeedka ka xigta Nairobi, waxaana laga gaarey markii uu mid duuliyayaasha ka mid ah — oo wadey Ethiopian Airways farriin digniin ah ka helay tiirka laga koontoroolo hawadu — uu si deg deg ah u kordhiyay jooggii ay diyaaraddiisu ku duulaysay si uu booska ugu banneeyo dayuurad Talyaani ah oo tamashle ahayd.
Dayuuradda Ethiopian Airlines oo lambarka duullimaadkeedu ahaa ET858, Boeing 737-800, ayaa ka timid Johannesburg iyadoo u socotey Addis Ababa, iyadoo ku duulaysay joog dhan 37,000 oo cagood, halka dayuuradda tamashlaha ah ee Talyaanigu ay ahayd Neos Boeing 767-306R, lambarka duulimaadka NOS252, kana soo duushay Verona una socotey jasiiradda Zanzibar.
Waxaa dayuuradaha ku xiran qalab dayuuradaha uga diga inay mid kale ku dhacaan oo la yiraahdo Traffic Collision Avoidance System kaas oo laakiin kaalmo uga baahan tiirka dayuuradaha laga koontoroolo oo haysta agab midkaa ka il dheer oo raadaarka ku shaqeeya, waana midda keentay inuu duuliyihii Ethiopian airline uu sare u kaco joog dhan 38,000 cagood muddo hal daqiiqo ah, si uu uga badbaado shilkaasi.
Hadalsame Media