(Muqdisho) 09 Sebt 2018 – Waxaa maalinta Berri ah la shaaciyey in uu furmi doono kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal ee Sare iyo midka Hoose, iyada oo ay Muqdisho ka dhaceyso munaasabad lagu furayo.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa lagu wadaa inuu soo xaadiro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo halkaa ka jeedin doona Khudbad furitaan ah.
Xildhibaannada labada Aqal ayaa ku jirey fasax laba bilood ah, balse la filayaa in maalinta berri ah uu u furmo kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka labada Aqal oo ay hor yaallaan howlo badan oo sharci dejineed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa horay warqad uu soo saaro waxa uu ku cadeeyey in 10-ka Bishan Sebtember uu furmayo kal-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Hadalsame Media