(Gothenburg) 08 Sebt 2018 – “Zoo-maalidu lama jaan qaadi karto bulshada iyo dhaqanka Sweden!” ayuu bartiisa Facebook kusoo qoray siyaasi u sharraxan Golaha Degaanka Gothenburg oo la yiraadho Bengt Hansves.
Ninkan oo ka tirsan xisbiga soo galooti nacaybka ah ee SD ayaa wax ku qora bogag Facebook ah oo ay ku jiraan mid magaciisu yahay ”Halla ilaaliyo isku noocnimada Sweden” iyo “Hadda iska tag RW Stefan Löfven” isagoo badiyaa tusaale usoo qaata in Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiintu aysan la jaanqaadi karin dhaqanka iyo bulshada Swedish-ka.
BICIID & RI’ ISKU MID MAAHA
Mar uu la xiriirey warsidaha Göteborg Posten (GP) si uu arrintan sharraxaad uga bixiyo wuxuu ku dooday inuu mararka qaar sheego warar SIRGAXAN, balse wuxuu ku adkaystay inaysan is qaadan karin Somalia iyo Sweden.
”Marka aad khariidadda eegto, Sweden waxay ku taallaa hal gees, Somalia-na geesta kale, deeto waxaa dhacaya isku maan diin dhanka dhaqanka ah.” ayuu ku dooday isagoo sheegay inaysan isku mid ahayn Biciid iyo Ri’.
“CUNSURIYAD MAAHA?!!”
Bengt Hansves ayaa markii la waydiiyay sababta uu Soomaalida ugu yeerey magaca Zoo-maali – oo laga dhadhaminayo inuu sidii xayawaan u sawirayo – ay muujinayso cunsuriyad ayaa ku dooday inuusan cunsuriyad ula jeedin. ”Ma aha wax maqaar madoow yihiin, mana aha cunsuriyad.” ayuu ku yiri war aan kala caddayn.
MIYAA SHAQADA LAGA CAYRINAYAA?
Håkan Lösnitz oo SD ku metela maamulka Degmada Göteborg, isla markaana koorsooyin baraarujin ah u qabta xubnaha xisbiga iyo musharrixiinta ayay GP hor dhigtay arrinta Hansves, balse arrintu waxay u muuqatay mid aan jid iyo jiho lahayn.
”In aad koox si gaar ah u bartilmaameedsato, waxaan shakhsiyan qabaa inay khalad tahay. Yeelkeede, maaddaama aan heer maxalli nahay awood uma lihin inaan qofna bannaanka u saarno waayo taas sharciyad uma lihin, waxaan kaliya samayn karnaa inaan waraaq u qorno xubnaha xisbiga ee heer qaran.” ayuu yiri Lösnitz.
“WAX KASTA LAMA SOCON KARNO”
Håkan Lösnitz ayaa sheegay inuu tababaro xubnaha xisbiga iyo musharrixiinta marka ay timaaddo sidii ay shacabka ula hadli lahaayeen iy mawaaqifta ay istaagi lahaayeen.
Wuxuu se sheegay in aysan inta dib u laabtaan eegi karin waxa uu qof kasta soo qoray ama kaga faallooday dhanka baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter.
”Xisbiyada oo idil sidani way ka dhacdaa, balse annaga si gaar ah ayaa naloo eegayaa, lkn wax kasta lama socon karno. Taasi suuragal maaha.” ayuu yiri.
Hadalsame Media