Wararkii ugu dambeeyey xaalada tuulada Dhumey ee gobolka Sool

0

(Muqdisho) 08 september 2018 Wararka laga helayo tuulada Dhumey oo hoos-tagta degmada Laascaano ee gobalka Sool ayaa sheegaya in xiisad dagaal weli laga dareemayo halkaasi. Labo ruux ayaa la dilay shalay galinkii dambe kadib dagaal beeleed ka dhacay tuuladaaasi.

Colaada labadan beeleed oo taagnayd maalmihii ugu dambeeyey ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 20 ruux sida ay sheegayaan warar madaxbanaan.

Maamulada Soomaliland iyo Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamya in colaada ay joojiyeen kuna xaliyaan khilaafaadkooda miiska wadahadalka.

Dagaal beeleedyada ayaa inta badan la xariira is riix riix iyo dhul kala sheegayso soo kala dhex gasha dadka reer miyiga ah oo ku dagaalama inta badan biyaha iyo daaqsinka.

Hadalsame media