(Muqdisho) 08 Sebtembar 2018 – Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ee Koofurta Soomaaliya waxaana ka soo baxaya weerar dheeraad ah cida lala beegsaday.
Illo-wareedyo madaxbanaan ayaa u sheegay Hadalsame Media in duqeyntaasi ay gaystay diyaarad dagaal, mana cadda halka laga leeyahay iyadoona aysan jirin cid illaa hadda sheegatay weerarkii xalay.
Warar hor u dhac ah ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka tirsan Al-qaacida.
Maraykanka ayaa inta badan fuliya weerarada nuucaan ah.
Hadalsame Media