NISA oo ka hadashay hawlgal xasaasiya oo dhacay Muqdisho

0

(Muqdisho) 08 Sebtembar 2018 – Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ( NISA) ayaa soo saartay maanta oo Sabti ah warbixin xasaasi ah oo ay ku sheegtay in la qabtay xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

“7da Sabtembar, howlgal ayaa ciidanka amnigu kusoo qabteen koox Al-Shabaab ah oo ku howlanaa dilal iyo weeraro qorshaysan oo ay magaalada muqdisho ka fuliyaan, Ciidanka amnigu waxay naftooda u huraan soo qabashada argagixisada ah ayagoo khatar ku ah shacabka”.ayey tiri NISA.

Howlgalkan oo dhacay Muqdisho ayaan lagu sheegin magacyada iyo goobaha rasmiga ah ee lagu qabtay xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

NISA ayaa maalmihii dambe bedashay nidaamka ay warka ku faafin jirtay waxaana hadda muuqata in Hay’addu isticmaalayso habab casri ah oo ay ku siideyso xogaha la xariira hawlgaladeeda, sida inay Isticmaasho Twitter-ka

Hadalsame Media