Jarmanka oo MUSUQ dartii u hakiyay dhismaha jidka Garoowe-Gaalkacyo (Akhri bayaanka)

0

(Berlin) 08 Sebt 2018 – Germany oo ka mid ah dalalka dhaqan ahaan jaalka la ahaa Somalia dhanka mashaariicda horumarineed ayaa ku dhawaaqday inay hakisay mashruuc ay ku fadhiya 30m oo euro oo ay ka fulin lahayd Puntland.

Dowladda Jarmanka oo lacagta qayb ahaan marinaysa hay’adda GIZ ayaa waddey mashruuc lagu dhisayo jidad isku xira JALAM – XARFO iyo GAROWE – GAALKACYO oo ay fulinayeen Puntland Highway Authority (PHA), waxaana jidkaa la hirgelin lahaa min Abriil 2017 ilaa Maajo 2018. Halkan ka akhriso.

Waxay sheegeen in waloow bilowgii ay saansaantu wanaagsanayd ay markii dambe xaaladdii shaqo fulineed xumaatay, iyagoo farta ku fiiqay musuq, daah furnaan iyo xisaabtan la’aan, isla markaana ay shaqayn wayday dhowr isku day oo ka yimid safaaradda Jarmanka iyo hay’adda GIZ si shaqada loosoo celiyo, iyagoo sheegay inay haatan gebi ahaanba tirtiteen qandaraaskaasi, sidaana ku wargeliyeen dowladda dhexe ee Somalia iyo maamulka Puntland.

Hadalsame Media