(Milano) 08 Sebt 2018 – Fabio Borini ayaa dhaliyay gool madi ah oo ay Milan uga badisay kooxda Pro Piacenza oo ay kulan sxbtinnimo la dheeshey, waxaana ciyaartan muhiimad gaara u yeelay labada wiil ee Paolo Maldini oo iska soo hojeedey iyadoo uu daawanayo aabohood.
Maaddaama lagu maqan yahay fasaxa kulamada caalami waxay taasi fursad uu kooxdiisa ku tijaabiyo siisay Gennaro Gattuso oo safay laacibiinta cusub ee Tiemoue Bakayoko, Samu Castillejo iyo Gonzalo Higuain.
Daafaca Christian Maldini oo dhowaantan amaah ugu dheela kooxda Pro Piacenza ayaa ka hor jeedey walaalkii Daniel oo ah 16-jir ka tirsan da’yarta Milan oo beddel kusoo galay kulankiisii 1-aad oo kooxda waawayn ah.
Milan: Reina; Abate, Musacchio, Simic, Basani; Bakayoko, Biglia, Bertolacci; Castillejo, Higuain, Borini
Ecco gli highlights dell’amichevole di oggi a Milanello contro il Pro Piacenza ?
Watch the highlights from today’s friendly match played at Milanello against Pro Piacenza ?
?? pic.twitter.com/e9RU2D26Mq— AC Milan (@acmilan) September 8, 2018
Hadalsame Media