DEG DEG: Maamul Goboleedyada oo hakiyey wadashaqeynta Dowladda Soomaaliya

0

(Kismaayo) 08 Sebt 2018 – Magalada Kismaayo waxaa Goordhow lagu soo geba gabeeyey shirkii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada kaas oo mudo 5 Maalin ah ka socday halkaas,waxaan lagas oo saarey Warmurtiyeed ka kooban dhowr qodob, sida ay sheegtay idaacadda Dalsan.

Golaha Iskaahiga dowlad Goboleedyada ayaa Warmurtiyeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay dowladda ka tirsanayaan saddex qodob ilaa inta laga xalinayana ay hakiyeen WadaShaqeyntii ay la lahaayeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Saddexda Qodob ayaa waxa ay ku kala sheegeen.

1:- In dowladdu ay joojiso faragelinta Guracan oo ay ku heyso Dowlad Goboleedyada.

2:- Inay Garawshiyo ka bixiso xiisad abuurka iyo faragelinta joogtada ah.

3:- in la helo Hanaan iyo heshiis oo leh damaanad  lagu kalsoonaan karo.

Goordhow la socda Warmurtiyedka oo dhameystiran

Hadalsame Media