Ahmiyadda heshiiska Jabuuti iyo Eritrea

0

(Muqdisho) 08 Sebtembar 2018 – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya heshiis muhiim ah oo dhexmaray dowladdaha Jabuuti iyo Eritrea oo muddo badan ay ka dhaxaysay colaad iyo is-afgarad la’aan.

Madaxweynaha Jabuutii,Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inay muhiim tahay in dalkiisu heshiis la galo Eritrea waxaana uu ka mahadceliyay dadaallada lugu raadinayo in xal laga gaaro xiisada kala dhaxeysa dalka Eritrea,

Heshiiskaan oo hor u dhaca ah ayaa u gogol-xaaraya in la soo af-jaro colaaddii muddada taagnayd.

Madaxweyne Geelle ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaliya isagoona halkaasi ka sheegay in Jabuuti ay diyaar u tahay dib-u-heshiisiin iyo xaggaajinta xiriirka ay la leedahay Eritrea.

Wasiirka arrimaha dibadda Eretrea,Cusmaan Saalax ayaa dhankiisa sheegay in ay dowladdiisu ka go’an tahay in ay heshiis waara la gaarto Jabuuti.

hadalsame Media