(Milano) 08 Sebt 2018 – 25-kii bishii tagtay ee Luulyo, wuxuu Leonardo bilaabay tacabburkiisa 2-aad ee Milan, kaddib markii ay doorteen maamulka Elliott Management, isagoo ah agaasimaha farsamo ee Milan markiibana wuxuu ka hawl galay dhanka suuqa oo uu si wanaagsan u yaqaanno.
Wuxuu qabtay shaqo muuqata muddo bil ka yar, waxaa ugu muhiimsanaa keenista Gonzalo Higuaìn, iyadoo aan la ilaawaynin Mattia Caldara, mid ka mid daafacyada soo baxaya ee adduunka. Kaddib Tiemoué Bakayoko, Samu Castillejo iyo Diego Laxalt, oo si wayn u kordhiyay qotada kaydka kooxda Gennaro Gattuso.
LEONARDO OO EEGAYA DHANKA BRAZIL
Marka uu Leonardo noqdo ninka maamulaya istaraatijiyadda suuqa waxaa mustaxiil ah in laga ilduufo xiddigaha kasoo baxa dalka ugu wayn Latin America ee Brazil, wuxuuna isha ku hayaa sida lagu qoray Calciomercato.it, dhow laacib oo kala heer iyo da’ duwan.
Wuxuu doonayaa Lucas Paquetà, 21 jir kubadda sharraxa oo u dheela Flamengo, kaasoo ay sidoo kale ku haystaan Paris Saint-Germain iyo Barcelona, waxaana qandaraaskiisa lagu fasiqi karaa 50m oo euro, sidoo kale Pedro Guilherme, oo ah laacib kale oo Milan lala xiriirinayay tan iyo bishii Abriil, oo ay isna doonayaan Sevilla iyo Real Madrid). Yeelkeede, isaga waxaa lagu heli karaa 25m oo euro.
Wuxuu Leo sidoo kale indhaha ku hayaa Rodrigo Caio oo ay muddo doonayeen kooxaha Yurub, waana 25 jir hadda u bisil inuu ka dheelo Yurub oo uu baasaboorkeeda haysto, wuxuuna joogaa 18m oo euro iyo weliba ka yar, wuxuuna beddeli karaa Cristian Zapata.
Intaa kuma ekee waxaa jira laba magac oo kale oo uu xiisaynayo Leonardo, sida ku dhigan Calciomercato.it, sida Rodrigo Dourado (oo lagu qiyaasayo 8-10 milyan) iyo Pedrinho, waa weeraryahan da’ yar oo 20 jir ah oo u dheela Corinthians, oo lagu qiimeeyo 40m, waxaana dhankaa ka caawinaya Kaka oo haatan ku sugan Brazil oo mar dhow loo xil saari karo inuu daawado kulamada ay ciyaarayaan jawaabna ka keeno.
Hadalsame Media