
(Muqdisho) 07 Sebt 2018 – Ergayga gaarka ah ee QM u fadhiya Somalia Micheal Keating ayaa biyo kulul ku dhacay kaddib markii sida ay qabaan Soomaali badani uu galay khalad diblomaasiyadeed kaddib markii uu ka qayb galay shirka madaxda maamul-goboleedyadu ay Kismaayo ku qabteen, isagoo ugu yeerey ”madaxwaynayaal”.
Farriin uu soo dhigay Twitter-ka ayaa waxaa ka muuqanayay madaxwaynayaasha 5-ta ah ee maamul-goboleedyada iyo isaga Michael Keating, wuxuuna kusoo qoray sidatan — @SRSGKeating – “Waxaan ku faraxsan ahay inaan Kismaayo kula kulmo dhamaanba gobollada federaalka ah kahor kulankooda iskaashiga gobollada oo berri bilaabmaya.”
Qaar ka mid ah dadkii usoo jawaabay ayaa ka qayb galkiisa iyo warkiisaba u arkay mid dureeysa madax banaanida, midnimada iyo qaranimada Somalia.
“Warka Keating marka diblomaasiyad ahaan loo eego wuxuu metelayaa UK halkii uu UN ka meteli lahaa,” ayuu soo qoray Abdiwahab Sheikh Abdisamad, oo ah falanqeeye ka tirsan Southlink Consultants.
“Ninkani wuxuu u socdaa UK wuxuuna u shaqayn doonaa xafiiska arrimaha dibedda UK, marka warkiisu waxaa ka muuqata sida ay UK jeclaan lahayd inay ku aragto Somalia: Soomaali qaybsan iyo dowlad daciif ah oo federaal ah oo Muqdisho fadhida,” ayuu raaciyay Abdisamad, wuxuuna Cabdi Samad sheegay in ay Soomaali badani UK u aragto mushkiladda haysata Somalia kaddib markii uu dhul Soomaaliyeed siiyay dalalka deriska oo iyaguna sidaa cadaawad istaraatiji ah ugu haya Somalia.
Keating, oo lagu wado inuu xilka ka dego bisha Nofeembar ayaa noqonaya diblomaasigii 2-aad oo British ah waxaana ka horreeyay, Nicholas Kay, oo ka mid ahaa ergaydii loogu nebcaa inta xilkaa Somalia kasoo qabatay, isagoo maamullada ku dhiirin jirey inay ka dhega adaygaan dowladda dhexe si loosii fogeeyo mushkiladda dalka.
Jawaab kale ayaa ka timid, nin Twitter kusoo gala, Guricel@MGuricel, ayaa ku af celiyay: “@SRSGKeating Somalia waa ka wayn tahay 5-taan nin, waxaadna shaqadaada UN-ka u isticmaalaysaa inaad ku qasto dalka, waxaad tahay dhibaato.”
Nin kale oo la yiraahdo Dalmar @SaedDalmar, ayaa soo qoray: “Kulligood waa in xabsi lagu guraa, adiga Michael Keating ahna lagugu daraa, maaddaama aad ku taageersan tahay musuqa. Waad ku fashilantay howshaadii ee dalka nooga bax, iyagana maalin unbaa laga miisi doonaa.”
Dalmar ayaa soo hadal qaaday sida uu u jeclaan lahaa inuu arko Somalia sidan dhaanta oo ka nabad gasha faragelin caalami ah, bililiqada khayraadkeeda, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo sunta lagu shubayo bad iyo berriba.
Carada Soomaalidan ayaa muujinaysa sida ay u kala duwan yihiin labada wadci ee ay ku kala sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dalal qalaad oo ay ugu horreeyaan kuwa reer galbeedku, waxayna Soomaalida caadiga ihi walaac ka muujinaysaa federaalka oo u muuqda foowdo lagusoo dhex tuuray isla markaana aan weli ahayn arrin xal laga gaarey, xasarad badanna abuurtay, iyadoo madaxda maamulladu ay inta badan danahooda khaaska ah ka fikiraan iyagoo umadda ku kala qaybinaya qabyaalad aan jirin.
Nin kale oo Twitter ku isticmaala magaca Warriors@DplusAA ayaa soo qoray: “@SRSGKeatingClearly @SRSGKeating waa caqabadda ugu wayn ee haysata nabadda #Somalia @UN ninkan qas wadaha ah dalkeenna ka saara.”
Halkan ka akhri jawaabaha qaar oo af Ingiriisi ah:
Pleased to meet all 5 federal state presidents in Kismayo b4 their meeting on inter-state cooperation begins tomorrow. Opportunity to review progress over last years & current political & security priorities. Emphasized importance of national unity pic.twitter.com/m6nxAHGyhJ
— Michael Keating (@SRSGKeating) September 3, 2018
Dr. Abdirizak Hassan, a Twitter user, reminded Keating that his work as the UN envoy to Somalia, “entails that you support the federal government.”
“@SRSGKeating@SRSGKeating . sincerely speaking, what is your role in Somalia other than sowing the seeds of destruction and chaos? . which federal state do you represent? “ he asked.
Another rejoinder came from Rooble Melvin@roblemel who wrote: “@SRSGKeatingThere are not President they are regional governors not presidents. Michael Keating you are part of the problem in Somalia you have to know that. Your country foreign policy towards Somalia was always against the interest of Somalia.”
A Twitter user who opted to call himself or herself as the country’s, religion’s and people’s interest asked if Keating’s aim was to create “the next headache” for the national government “before heading home” when he endorsed rogue politicians.
The Twitter user added: “Many of us don’t really understand why we still need a UN rep. in Somalia despite ALL the improvements we have seen the past 2 years!”
Samsam Ali also suspected that the envoy was perhaps trying to engineer a scheme to stay in the country after his term ends next month.
She wrote: “@SRSGKeating Micheal Keating we know what you are doing in Kismayo together with these spoilers your contract is ending next month hit the road & don’t come back.We do not want to see your face again Losers………”
“Somalis know what they want. They want a strong national government that restores their dignity,” said Abdisamad, the analyst. “But foreigners always misread the nation’s mood. The question is who will eventually win? To me, Somalis will win, and history attests to my assertion.”
Hadalsame Media