Laba miig oo Maraykan ah oo soo ERYADEY dayuurad nooca wax duqeeya ah oo Ruushku leeyahay + Sawirro

0

(Moscow) 07 Sebt 2018 – Laba dayuuradood oo ah nooca guuxooda ka dheereeya ee F-22 Raptor – oo uu soo diray Taliska Daafaca Hawada Woqooyiga Ameerika ee North American Aerospace Defense Command (NORAD) – ayaa dul dhigtay dayuurad uu Ruushku leeyahay oo ah nooca Tu-95 ee masaafooyinka dheer bam gareeya, jeer ay maraysay gayiga caalamiga ah ee cirifka qaboow ee Arctic taasoo laga soo eryay goobtii ay ku sugnayd, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanku.

“Dayuuradda ay leeyihiin ciidamada cirka Ruushka ee Tu-95MS ee samaysa duqaymaha istaraatijiga ah waxay dul maraysay biyaha caalamiga ah ee Arctic Ocean iyo bad yarooyinka Bering iyo Okhotsk Seas,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushanka. “Dayuuradda waxaa soo gelbiyay laba miig oo ay Maraykanku leeyihiin oo ah F-22,” ayay ku dartay.

FILE PHOTO: A 3rd Wing F-22 Raptor escorts a Russian Air Force Tu-95 Bear bomber near Nunivak Island, 2007 © U.S. Air Force
Dayuurad F-22 Raptor oo gelbinaysa babmarka Tu-95 Bear meel u dhow Nunivak Island, bishii Maajo 2018.

Ruushka ayaa sheegay in dayuuraddani aanay cidna ku xadgudbin oo ay kaliya samaynaysay roondo caadi ah oo ay ku samaynaysay badwaynta Arctic iyo tan Atlantic, iyo sidoo kale Baltic Sea iyo Pacific Ocean, iyadoo ku doodday “in ay si buuxda u raacayeen xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xudduudaha dalalka.”

Hadalsame Media