Kombiyuutarradii British Airways oo la jabsaday!

0

(London) 07 Sebt 2018 – Macluumaadkii ku keydsanaa computer-ka British Airways oo la jabsaday.

Shirkada diyaaradaha ee Britian laga leeyahay ee la yiraahdo British Airways ayaa ka qaaday la dhacay xogtii ku jirta computarada taas oo u badan macluumaadka ay ka mid yihiin kaararka bangiyada dadka online-ka tikidhada ka goosta.

Arintaan ayaa shirkadu sheegtay in ay saameyneyso 380,000 oo ah dadka macaamiisha la ah shirkada.

British airways ayaa ku boorisay dadkii tikidhada jartay 21 Agust in ay la xiriiraan bangiyadooda.

M Dhoorre

Hadalsame Media