(Milano) 07 Sebt 2018 – Inter Milan ayaa soo bandhigtay funaanadda 3-aad ee ay ku ciyaarayso fasal-ciyaareedkan 2018-19, waxaana laga tixraacay midabka Duomo oo ku taalla Milan.
Funaanaddan cusub oo leh midab boor ah ayaa waxaa ka muuqda khariidadda bartamaha Milano. “Waxaan dareensan nahay in ay funaanaddani qani ku tahay DNA-da Inter,” ayuu yiri Pete Hoppins, oo ah agaasimaha qaybta naqshadaha Nike Football Apparel.
Hadalsame Media